Mas’uuliyiin uu kamid yahay Wasiirka Amniga XFS oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Muqdisho

Published: November 27, 2022

Qarax xooggan ayaa goor dhoweyd ka dhacay degmada Boondheere gaar ahaan halka loo yaqaano Villa Rose oo u dhow Madaxtooyadda Soomaaliya.

Goobta uu qaraxu ka dhacay oo aheyd mid si weyn loo ilaaliyo amnigeeda waxaa gudaha u galay dabley hubeysan oo weerarka qeyb ka ahaa.

Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Axmed Doodishe ayaa ku dhaawacmay weerarka lagu qaaday hotel Villa Rosa oo u dhow Villa Somalia isla markaasna ay degaan wasiirrada iyo Xildhibaannada JFS.

Wasiirka Kalluumeysiga, Wasiiru-dowlaha Deegaanka, xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka bedbaaday, halka qaar kalena ay weli ku jiraan.

Xaaladda ayaa ah mid kacsan wali, mana jiro wax faahfaahin dheeri ah oo ku aaddan weerarkan lagu beegsaday Masuuliyiintan katirsan Dowladda Soomaaliya.

Horseed Media