Maxaa dhex maray Madaxweynaha Shiinaha & Ra’iisul Wasaaraha Canada?

Published: November 17, 2022
Shares12

Labada hoggaamiye ee dalalka Shiinaha iyo Canada oo ku kulmay shir madaxeedka G-20 ee ka socda waddanka Indonesia, ayaa is dhaafsaday canaan ay duubteen Warbiinta.

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa ku canaantay Ra’iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau inuu siidaayay tafaasiil ku saabsan wadahadal ay hore u yeesheen, kaas oo Trudeau uu walaac ka muujiyay faragelinta Shiinaha ee arrimaha gudaha Canada.

Ra’iisul Wasaare Trudeau oo hadalka soo dhexgalay oo u soo dhaqaaqay dhanka Xi ayaa u sheegay in “Canada ay aaminsan tahay wadahadal xor ah, furan, oo daacad ah, taasina ay noqon doonto wax ay sii wadi doonaan”

“Waxaan sii wadi doonaa inaan si wadajir ah u wada shaqeyno, laakiin waxaa jiri doona waxyaabo aynaan ku heshiin doonin.” ayuu raaciyay Trudeau.

Xi ayaa hareeraha eegay markii uu Trudeau u jawaabay.

“Marka hore aan abuurno shuruudo.” ayuu ku jawaabay Xi.

Labada hoggaamiye ayaa is gacan qaaday kadib iska horimaadkii koobnaa ee ay isku dhaafsadeen canaanta.

Horseed Media