Maxaa ka cusboonaadey khilaafkii Madaxeyne Deni iyo Golaha Wakiilada?

Published: July 27, 2022
Deni iyo Golaha wakiilada

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan la qaatey guddi baarlamaanku u saarey arrinta golaha garsoorka ee xasaanadda waayey ee weli shaqeynaaya.

Sida warar Horseed Media heshey ay sheegayaan guddiga ayaa Madaxweyne Deni u gudbiyey go’aankii hore ee Baarlamaanku xasaanadda ugu diidey Golihii Adeega garsoorka ee uu soo magacaabey 31 March 2022.

Madaxweynaha oo aan sugin go’aanka hadda loo gudbiyey ayaa mar kale magacaabey Golihii garsoorka oo uu hoggaaminaayo Axmed Taaran iyada oo aan waxba laga beddelin wareegtadii hore laguna xusin go’aanka baarlamaanka.

Guddigga Baarlamaaniga ah oo uu hoggaaminaayo Xildhibaanka waayo soo fadhiyey Saadiq Abshir Garaad, ayaa Madaxweynaha ka dalbadey in uu caddeeyo mowqifkiisa ku aadan shuruucda iyo xeerarka baarlamaanku gaaro, haddii uu aqoonsan yahay waajib ku tahay in uu garsoorka wax ka qabto soona magacaabo mid cusub.

Madaxweyne Deni ayaa mabda ahaan oggolaadey in uu soo magacaabo Golaha Adeega Garsoorka laakiin wakhti la siiyo, sidoo kale waxay ka dalbadeen ka hor inta aanu soo magacaabin in uu hadda u sheego kuwa xasaanadda waayey ee wareegtadiisa ku shaqeynaaya in ay kala dareeraan oo aysan ku shaqeyn goobaha garsoorka, taas oo uu ka maagey in uu jawaab sax ah ka bixiyo.

Golaha garsoorka ee xasaanadda waayey ayaa maalmo ka hor ku xadgudbey muwadin lagu magacaabo Dhoonge kadib markii ay u xireen in ay ku tijaabiyaan awoodoodu in ay shaqeyneyso iyo in kale, arrintan ayaa la sheegayaa madaxweyne Deni qudhiisu waa ka xumaadey, waxaase la is weydiinayaa sababta uu weli ugu oggolaaanayo in ay xarumaha ku sii shaqeeyaan.

La kulanka Xildhibaanada

Dhanka kale Madaxweyne Deni waxa Xildhibaanada u sheegay in uu doonaayo in uu la heshiiyo Baarlamaanka gobol gobolna ula kulmaayo, laakiin Xildhibaanada ayaa u sheegay in aysan jirin shiddo kale ee la doonaayo in u fuliyo go’aanada baarlamaanku gaaraan keliya.

Xildhibaanada Gobolka Mudug ayaa u horeeyey oo uu la kulmey maalntii shalay, waxaa kulanka xaadiray 5 Xildhibaan oo kamid ah 9 Xildhibaan ee gobolka Mudug, waxaana ku xigey Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn, ma jirin wax gaar ah u kala hadlaayey, inkasta oo Xildhibaanada badankood ay carrabka ku adkeeyeen in wada shaqeyntu ay ka bilaabanayso sida uu arrinta garsoorka wax uga qabto.

Madaxweyne Deni ayaa hadda looga fadhiyaa in uu soo magacaabo garsoorayaal cusub oo aysan ku jirein kuwii hore, inkasta oo Siciid Deni lagu yaqaan daahitaanka magacaabidda iyo buuxinta boosaska banaanaada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *