Maxaa kala qabsadey Xasan Sheekh iyo Siciid Deni? – Warbixin

Published: August 27, 2022
Shares152

Madaxweynaha Jamhuuriyaddan Federaaliga ah, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalintii khamiista safar ku tegey magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, waxaana uu noqonayaa safarkii u horeeyey ee uu ku tego Puntland kadib doorashadii bishii May 2022.

Xasan sheekh iyo siciid deni
Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaaliga ah waxa uu booqasho ku joogaa Garowe

Xasan Sheekh markii uu yimid Garoowe, waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Puntland Siciid Deni, ku-xigeenkiisa iyo shir-guddoonka golaha wakiilada Puntland.

Inkasta, oo dadku ay ku kala aragti duwan yihiin meeqaamka soo dhaweynta loo sameeyey ay lahayd, ayaa la dhihi karaa, waxa ugu weyn ee meesha ka maqnaa waxa uu ahaa inaan fursad loo siin Madaxweyne Xasan Sheekh in uu shacabka kala hadlo warbaahintana, qeexo ujeedka safarkiisa, iyada oo dalku ku jiro xaalad aad u adag oo bini’aadanimo, maadaama uu yahay Madaxweynihii dalka.

Kulamo gaar ah.

Siciid Deni ayaa kulamo dhaadheer la qaatey Madaxweyne Xasan Sheekh, ma jirto war faahfaahsan oo kulamadaas laga helay aan ka ahayn, in ay ahaayeen kuwo garnaqsi shakhsiyadeed u badan ee ka dhashey doorashadii Madaxweynaha, magacaabidii raysalwasaaraha, dhismihii xukuumadda, iyo mustaqbalka wada shaqeynta ee labada dhinac.

Qof ku dhaw Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Horseed kula hadlay inaan la magacaabin (anonymous), ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh ka garaabey dooda Siciid Deni, laakiin hadda laga doonaayo wada shaqeyn dhab ah.

Shirka Somalia High Level Partnership Forum  (HLPF)

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u gudbiyey Madaxweynaha Puntland Siciid Deni in uu kala shaqeeyo shir Saaxiibada Beesha Caalamka ee Soomaaliya ee dhacaya bisha September 2022, kaas oo la doonaayo in Dowlad goboleedyadu ka soo qayb-galaan, sidii shirkaas u qabsoomi lahaa, looguna midoobi lahaa danta dalka, dhanka kale, waxa uu si gaar ah uga dalbadey in uu kala shaqeeyo arrinta Jubaland oo keeni karta khatar nabadgelyada iyo midnimada Jubaland iyo guud ahaan dowladda Soomaaliyeed taabanaysa.

Xog ay Horseed ka heshay xubno ku dhaw labada dhinac ayaa sheegaysa in Madaxweyne Deni ku doodey in is-beddelkii yimid ee uu Madaxweynaha ku noqday Xasan Sheekh Maxamuud uu sababteeda lahaa isaga Siciid Deni ah, wuxuu sheegay ugu horreyn in maamulkii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay uga hor yimaadeen in aysan doorashada ka dhigan sidey jecel yihiin, in uu dhaqaale ku bixiyey xitaa kacdoonkii Badbaado qaran ee looga horyimid Farmaajo, laakiin markii uu miraha geedkii uu beeray uu gurtay Xasan Sheekh Maxamuud aanu cidna u hanbey, oo tixgelin waayey xitaa saaxiibadii Badbaado qaran.

Kulanka gaarka u ahaa Puntland

Siciid Deni ayaa habeenkii xalay kulan la qaatey ku-xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan iyo shir-guddoonka golaha wakiilada, waxaana uu kala tashadey dalalbka Madaxweyne Xasan ee ah in lagala shaqeeyo shirka Qaramada Midboobay, iyo guud ahaan xaaladda dalka, waxaana ay isku raaceen in lala shaqeeyo Madaxweyne Xasan oo dalka caqabadaha haysta laga wada saaro.

Habeenka caawa ah ee sabti 27 Ogoosto ayaa loo ballansan yahay casho sharaftii u horeysey ee loo sameeyo Madaxweyne Xasan Sheekh oo habeenkii saddexaad ku hoyanaya Garoowe, kadib kulamo marathon ah oo laba oday oo keliya u dhexeeyey, sida Horseed media ogaatey

Ugu danebyn waxaa la isla gartey in wefdi uu hoggaaminaayo raysalwasaare Xamse Cabdi Barre ay booqdaan Puntland oo dhamaystiraan hawlaha qabyada ah.

Caro ka dhalatey safarka Madaxweynaha

Waxaa jirta in caro badan ka dhalatey qaabka madaxtooyada Puntland u maamushey booqashada Xasan Sheekh, oo ay ahayd in uu la kulmo, culimada, ururada bulshada rayidka ah, guddiga abaaraha, haweenka, aqoonyahanka iyo dhalinyarada Puntland oo dhegaysto talooyinkooda, qaar kamid ah dadka aadka ugu dhuun daloola kulamada Xasan Sheekh iyo Siciid Deni ayaa ku doodaya in Deni si weyn u shakhsiyadeeyey booqashada Madaxweynaha aynaba ahayd gar-naqsi oo kale waxaana uu ka dalbadey Madaxweyne Xasan, arrimo ay ka mid yihiin:

  1. Cid aanu talo ku lahayn federaalka dib danbe wax uga noqon karin
  2. In dowladdu aaney la shaqeyn karin cidkasta oo isaga mucaaradsan
  3. In lagu taageero barnaamijka xisbiyada badan ee Puntland

Dooda qaar kamid ah siyaasiyiinta ayaa ah in la kala garto Siciid Cabdullaahi Deni iyo Dowladda Soomaaliyeed ee Puntland in ay labo kala yihiin, Puntland soo jirtey, siina jiri doonto, dhawaana doorasho aadi doonto.

Puntland waa ka weyn tahay wax yar oo qof jeebkiis geli kara, waxaa masuuliyiinta Punland laga doonayaa in aysan doodaha shakhsiyeyn oo dano gaar ah ka eegin ee ay u doodaan xuquuqda Puntland uga maqan Dowladda Muqdisho fadhigeedu yahay, xuquuqdaas ayaa ka weyn mid qof iyo koox ka caraysan shaqo aan horey loogu dirsan in ay doontaan natiijadeedi.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa habboon in uu bulshada la kulmo, xaalad adag ayaa dalku ku jiraa, in Madaxweynuhu indhihisa ku arko xaaladda jirta abiilna ka diro, waxaa wanaagsan in uu dhegaysto talooyinka dadka waxgalka u ah bulshada oo aanu sidaas ku laaban maalinta Axadda ah.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Horseed Mesia waxan Akhristay,Warbixin dheer oo Safarki Madaxweynaha Jamhuriyada Fadaralka Somaliya Xassan shekh Maxamud kuyimid puntland,waxa iga so baxday falada & warbixinta uu Qoray Maxamed Cusman,oo ah Qoraga shabakada Horsed media in aay ubadnayd Mucaradnimo uu kuqada Madaxweynaha puntland,sida laga warqabo Saciid Abdullahi Deni waxu ka wakil yahay shacbiga puntland hase ahate Maxamed Cisman waxu ka dhigay shaqada madaxwene Sacid Deni mid isga ukhasa tas oo mujinaysa puntland in aay tahay dad kala socda oo aan lahan moqif mideysan,madaxdi maslka ka ‘ahayd oo aay derten kalsoni kuqabin hadan raco qoralka maxamed cisman oo ah wariye wax kuqora shaba kadan.