Published: August 7, 2021
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2021/08/Deni-1-862x720.jpg)
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada Puntland oo todobaadkan looga hadlay Amniga, Dugsiyada Quraanka ee Puntland, Xaaladda COVID-19, Nabadaynta Shiqaaqadii Saax-maygaag iyo Siyaasadda Biyaha.
Shirka Golaha Wasiirada waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaana ka mid ahaa arrimaha Goluhu ka dooday xaaladda Dugsiyada Quraanka lagu barto ee Puntland.
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2021/08/PL-1-1172x720.jpg)
Madaxweyne Deni ayaa ugu dambayn guddi heer wasiir ah u saaray dib-u-habeynta iyo horumarinta dugsiyada quraanka.
Horseed Media