Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Deni & Guddiga doorashada ee TPEC?

Published: June 6, 2022

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kulan gaar ah kula qaatay xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland, Guddiga ku meel gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC).

Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhegaystay Guddoonka iyo xubnaha Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC), waxaana Kulanka ka qeyb galay qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirada.

Kulanka ayaa looga wada hadlay sidii loo dardargelin lahaa dhameystirka wejiga labaad ee qabashada doorasho qof iyo cod ah oo lagu soo doorto Goleyaasha deegaanka Degmooyinka Puntland ee harsan.

Guddiga Doorashooyinka ayaa soo bandhigay shaqada socota iyo qorsheyaashooda shaqo ee u yaalla, sidii dhammaan doorasho hal qof iyo cod ah looga qaban lahaa degmooyinka Puntland, taasi oo qorshuhu yahay in ay Puntland ka dhacdo bisha december 2022.

Madaxweyne Deni ayaa boggaadiyay shaqada wanaagsan ee la qabtay, wuxuuna faray dhammaan Hay’adaha Dowladda ee ay khudeyso si dhameystiran loogala shaqeeyo Guddiga in shaqooyinka horyaalla iyo Doorashada goleyaasha deegaanku ay ku qabsoomaan wakhtiga loo qorsheeyay.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *