Maxay ka wada hadleen RW Rooble & Gudoomiyaha KMG ee Golaha shacabka?

Published: April 23, 2022

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha kumeel gaarka ah ee Golaha Shacabka Cabdisalaan Xaaji Axmed Dhabancad.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu sheegay in labada mas’uul ay ka wada hadleen doorashada Guddoonka Golaha Shacabka oo heer gebogebo ah mareysa.

Kulanka labada Mas’uul ayaa kusoo adayo xilli Maanta ay xildhibaanada baarlamaanka khudbado u jeediyeen musharixiinta u taagan xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Sidoo kale, kulnanka ayaa ku beegmay xilli maanta Xildhibaanada lagu soo doortay Magaalada Ceelwaaq loo diiday inay ka qeyb galaan kulankii Baarlamaanka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *