Maxay ka wada hadleen RW Rooble & Gudoomiye Cabdi Xaashi?

Published: May 2, 2022

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Guddoomiyaha Aqalka Saree ee BJFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Rooble ayaa Guddoomiyaha Aqalka Sare  ku bogaadiyay dib u doorashadiisa isagoo ugu hambalyeeyey munaasabadda Ciidul Fidriga.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa ka wada hadlay dhammeystirka doorashada dalka.

Sidoo kale waxay ka wada hadleen u diyaargarowga doorashada madaxweynaha Jamhuuriyadda ka dib doorashadii guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *