Maxay Ka Wada Hadleen RW Rooble Iyo Wasiirka Arrimaha Dibada Kenya ?

Published: August 8, 2021

Raysal wasaaraha xil-gaarsiinta ee dowlada federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble  ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arimaha Dibadda ee dalka Kenya Raychelle Omamo oo soo gaartay Magaalada Muqdisho.

Kulanka dhexmaray Raysal Wasaare Rooble iyo Raychelle Omamo ayaa waxaa looga wada hadlay sare u qaadidda iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya labada dal ee dariska ah ee Soomaaliya iyo Kenya.

“Labada Dal ee Kenya iyo Soomaaliya waa laba dal oo deris oo ay ka dhexeeyaan dano badan sida diblomaasiyadda,amniga iyo arrimaha dhaqaalaha. Xukuumadda Soomaaliya waxa ay adkeyneysaa in dacwada muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya go’aankeeda laga sugayo Maxkamadda Caalamiga ee Caddaalada” ayuu yiri Afhayeenka Xukuumadda Macalimuu.

Sidoo kale Raysal wasaaraha ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya ka guddoomay casuumad rasmi ah oo uu ka helay madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata.

Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa sanadkii 2014-kii dacwad u gudbisay Maxkamadda ICJ, oo ay kaga cabanaysay sheegashada Kenya ee qeybo ka tirsan Xudduud-baddeedka Somalia ee Badweynta Hindiya, iyadoo labada Dowladood waxay ka war sugayaan Natiijada Xukunka Kma-dambaynta ee Maxkamadda ICJ.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *