Maxay kawada hadleen Wefdi ka socday Sucuudiga iyo Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha

Published: June 8, 2021

Wasiiru-dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane  Cabdixakiin Xasan Ashkir ayaa la kulmay wefdi ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Wasiiru-dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa wafdiga ka socday Boqortooyada Sacuudiga ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo Iskaashiga labada dal iyo sidoo kale dib u furista safaaradda Sacuudiga ee Soomaaliya.

Labda mas’uul ayaa isku raacay in la dhaqangeliyo waxyaabihii ay ka wada hadleen ee la xiriira iskaashiga labada dowladood.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *