Muddo aad dheer waxaa caalamku ka nastey dhibaatooyinka ay geysan jireen Burcadbadeeda Soomaalida, sanadihii 2007-2012 waxay ahayd muddadii ugu darneyd taas oo keentey in biyaha Soomaaliya loo soo diro Maraakiib dagaal ayna ka hawlagalaan ciidamo shisheeye, waxaana caalamka uga baxay balaayiin dollar.
Burcad-badeeda hubaysan ayaa maraakiib ka afduuban jirey meel 1,000 mayl-badeed u jirta xeebaha Soomaaliya. Waxay maraakiibta iyo shaqaalaha ku haysteen madaxfurasho. Bangiga Adduunka ayaa ku qiyaasey in burcad badeeda Soomaalida ay heleen lacag ka badan $400 oo milyan oo doolarka Mareykanka ah oo madaxfurasho ah intii u dhaxeysay 2005 ilaa 2012.
Waxaa burcad badeeda Soomaalidu ay 12 bilood ee u dnabeysey qaadeen weeraro badan kuwaas oo badankood aysan ku guuleysan. 16 Diseembar 2023 waxaa burcadbadeeda Soomaalidu ay qabsadeen markabka xamuulka ee MV Ruem oo ku socdey calanka dalka Malta, waxaa saarnaa 17 shaqaale ah. 12 Maarso 2024 sidoo kale waxaa burcadbadeeda gacantooda galay markab weyn oo laga lee yahay dalka Bangaladhesh kaas oo lagu magacaabo MV Abdullah.
Haddaba waxaa la is weydiinayaa maxay tahay sababta burcadbadeeda Soomaalidu dib ugu soo noqotey?
Markabka MV Abdallah waxaa haysta dhalinyaro khibrad hore oo burcadbadeednimo leh laakiin muddooyinkii danbe ka tirsanaa ciidamada Puntland. Waxaa jirta dhaqaale xumo meeshii ugu saraysey in ay guud ahaan daka ka taagan tahay, khilaafaadka siyaasadeed, dagaalada tirada badan ee dalka ka jira waxay sababeen hoos u dhac dhaqaale, waxaa hoos u dhacay ganacsigii kadib markii ururada argagixisadu ay lacago baad ah ama cashuur ah ay ku soo rogeen, waxaa hoos u dhacay mashaariicda laga heli jirey dalalka deeq bixiyaasha ah. Dagaalada ka qarxay Ruushka iyo Ukriane iyo dhibaatadii uu caalamka ku reebay COVID-19, waxay sababeen in deeq bixiyaashu ay hoos u dhigaan lacagaha ay siin jireen dunida saboolka ah oo Soomaaliya u horeyso.
Puntland kuma guuleysan in ay bixiso mushaharaadka iyo gunnooyinka shaqaalaha iyo ciidamada kala geddisan, khilaafka ka dhexeeya dowladda federaalka iyo Puntland waxay sababtey in dhaqaale badan uu Puntland kaga baaqdo Muqdisho.
Sidoo kale waxaa xoojiyey Burcadbadeeda hawlgalada Xuutiyiintu ay ka wadaan Badda cas kadib markii ay weeraro u geysteen maraakiib kala duwan. Waxaa jirta xog sheegaysa in xiriir uu ka dhexeeyo Burcadbadeeda Soomaalida, Xuutiyiinta iyo weliba Daacish taas oo ay ku heshiiyiin in Xuutiyuuntu qayb ka noqdaan soo qbaashada maraakiibta laakiin lagu hayo xeebaha Soomaalida dhaqaalaha madaxfurashada loo qatana uu noqdo wadaag, heshiiskan ayaa la sheegayaa in Xuutiyuuntu la galeen nin horey u ahaan jirey hoggaamiye burcadbadeed kaas oo hawlgab ahaa caalamkuna aad u doonaayey sanadihii u danbeeyey in la soo qabto.
Si kastaba ha ahaatee dhaqaale xumada dalka ka taagan, khilaafaadka siyaasadeed iyo rajo xumada muuqata waxay mar kale sababtey in Burcadbadeedu ay dib u soo noqdaan.
Markabka ugu weyn ee hadda ku jira gacanta Burcadbadeeda ee MV Abdalla ayaa ku wajahan xeebaha Puntland, Burcadbadeeda ayaa ku rakibey qoryaha waaweyn ee lidka diyaaradaha, haddii burcadbadeedu ay madaxfurasho ka helaan MV Abdallah waxay noqon doontaa mid dhiiri gelisa shaqada burcadbadeednimada in ay dib u soo laabato.
Haddii aan si degdeg ah loo wajihi isku xirnaanshaha Burcadbadeeda Soomaalida, Xuutiyiinta iyo weliba Daacish waxay dunida ku keenysaa mar labaad khatar aad u weyn taas oo halis ku ah ganacsiga caalamka iyo marin biyoodkooda.
Mohamed Osman – Horseed Media