Maxay tahay sababta Farmaajo oo ku sugan Garoowe u booqan waayey Laascaanood?

Published: March 24, 2024

Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyed Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa fariin muuqaal ah oo uu ku faafiyey bartiisa facebook ku sheegay in aysan suurta gal u ahayn xilligan in uu booqdo maamulka Khaatumo oo markii hore u qorsheysneyd.

Ugu horreyn Farmaajo aya u mahad celiyey bulshada reer Puntland ee uu ugu horeeyo Madaxweyne Deni sida gobonimada leh ee ay u soo dhaweeyeen isaga iyo wefdigiisi, waxaana uu hoosta ka xariiqey in uu dhawaan mar kale ku so noqon doono Puntland.

Madaxweyne hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in uu doonaayey in uu booqdo maamulka Khaatumo iyo Bulshada SSC balse duruufo kala duwan u suurta geli weyday.

“Waxan dooneyney in kastoo waqtigu nagu yar yahay in aan tagno Laasacaanood, ee Khaatumo State, laakiin iyada laftigeeda dadka uga turnay xiligan adag ee kuleylaha ah iyo bishan ramadaan ee dadku cibaadeysanayaan, inaan dadkii dhib u gaysano, kulamdooda iyo soo bixitaankooda”.

Farmaajo ayaa sheegay in ay wadahadleen hoggaamiyaha maamulka Khaatumo Cabdulqaadir Firdhiye, isla markaana ay isla garteen in uu booqashadiisa markale ka dhigto.

“Waxaan wada hadalney hoggaamiye Cabdiqaadir Firdhiye waxaan isla garanay in ay qurxoon tahay in aan dib u soo noqdo, marka uu halkan shirku ka dhacaayo (Garoowe) aan waqti fiican ku imaado Khaatumo, kana bilowno Laasacaanood, Buuhoodle, Guumeys iyo Carooley iyo wixii suurtagala oo deegaannadaas ah oo dadka la kulano” ayuu yiri Farmaajo.

Farmaajo ayaa qaraabo badan ku leh gobolada SSC, Hooyadiis Maryan Xasan waxay ka soo jeedaa gobolka Sool.

Maamulka SSC-Khaatumo oo xoreyntiisa Puntland naf-hurnimo u samaysey ayaa hadda si weyn ugu dhaw Dowladda Xasan Sheekh Maxamuud oo ay ka helaan taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeed inkasta oo ballantii horey looga qaadey aan weli la fulin, waxaana dhici karta in aysan hadda diyaar u ahayn booqashada Madaxweyne hore farmaajo oo si weyn uga soo horjeeda qaabka loo wado dhamaystirka dastuurka.

Horseed Media