Maxay tahay sababta Madaxweyne Xasan Sheekh u baajiyey safarkii Sucuudiga? – Warbixin

Published: September 8, 2022
xasan sheekh maxamuud

Sida qorshuhu ahaa maanta oo khamiis ah waxaa lagu wadey in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud safar ugu baxo Boqortooyada Sucuudiga, sida ay ilo xog-ogaal ah horey Horseed media ugu sheegeen. Xasan Sheekh ayaa baajiyey safarkaas kadib saddex todobaad mashquul ah oo sugaya sida Horseed ogaatey.

Todobaadyo mashquul ah

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa horyaala shaqooyin ay ka mid yihiin safaro ilaa labo ah.

Madaxweynaha ayaa qorsheynaya in uu ka qayb-galo caleema saarka Madaxweynaha cusub ee la doortey ee dalka Kenya William Ruto oo dhacaysa 13 Siteembar, waxay u badan tahay in kulan doceed ay halkaas kuwada yeeshaan Raysalwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo xiriir wanaagsan aanu u bilaaban kadib doorashadii May 15 2022.

Sidoo kale Madaxweynaha waxaa sugaya safar dheer oo uu ku tegaayo magaalada New York oo uu ka furmaayo shirka loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey, kaas oo si toos ah u furmaaya 20 bishan, laakiin ay u badan tahay in Madaxweynuhu uu gaaro halkaas 18 Siteembar.

Booqashada Madaxweynaha ee Sucudiga ayaa macne badan ugu fadhidey, waxaana baajiyey todobaadka mashquulka ah ee uu wajahayo, waxaa uu sidoo kale casumaad ka haystaa dalka Qatar, taas oo Madaxweynuhu aanu weli ka jawaabin.

Shirka Dowlad goboleedyada ee Muqdisho?

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si weyn u doonaya in Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada jamhuuriyaddu ay isugu yimaadaan magaalada Muqdisho ka hor safarkiisa New York, shirkaas qabsoomidiisa weli lama caddeyn karo xiligiisa, laakiin warar soo baxay ayaa sheegaya in uu ka dhacaayo magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo arrimo caafimaad ku maqnaa dalka dibadiisa, ayaan muuqaalkiisa la arag tan iyo bishii Luuliyo ee sanadkan, lama yaqaan in uu ka soo qayb-galaayo iyo in uu soo diraayo ku-xigeenadiisa.

Dhanka kale Cabdicasiis Laftagareen ayaa weli ka walaacsan imaanshaha Muqdisho, tan iyo markii xukuumadda la dhisey, taas oo ay u arkaan mid dano gaar ah laga lahaa in Abuu Mansuur wasiir loo magacaabo.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa qorsheynaya safar uu ku tago dhawaan magaalada Boosaaso, kadibna u sii gudbi doono dalka isu tagga Imaaraadka carabta, waxaana muuqata in jadwalkiisu sii buuxsamayo.

Ma cadda sida shirka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyadu u qabsoomi karo ka hor shirka New York sida uu jecel yahay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Magacaabidda Saraakiisha Amniga

Madaxweynaha ayaa si weyn ugu mashquulsan in uu magacaabo saraakiisha amniga qaarkood sida Booliska iyo Asluubta iyo ku-xigeenadooda, taas oo aan weli ka soo dhamaan, mana cadda in uu ku dhawaaqi doono ka hor safarkiisa iyo in uu dib u dhigaayo.

Qofka keliya ee laamaha amniga ku jira la magacaabey waa Mahad Salaad, dhamaan saraakiisha kale ayaa waxaa horey u magacaabey Madaxweynihii isaga ka horeeyey.

Horseed media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *