Maxbuus ku geeriyoodey xabsiga Qardho kadib markii jir-dil loo geystey

Published: May 23, 2022
May be an image of 1 person and text

Maxbuus ku xirnaa Xabsi ku yaalla Degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar ayaa u geeriyooday jir-dil loo gaystay.

Marxuumka geeriyooday ayaa lagu magacaabi jiray Sharma’arke Warsame Nuux, waxaana uu ka mid ahaa Maxaabista ku xiran Xabsiga Degmadaasi.

Mas’uuliyiin ka tirtsan laamaha Amniga ee magaalada Qardho ayaa xaqiijiyay geerida marxuumka ku dhex geeriyooday xabsiga.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in baaritaan lagu hayo dilka iyo sababaha rasmiga ah eek a dambeeyay in Marxuumkaasi Xabsiga ku geeriyoodo.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *