Maxkamad ku taala Maraykanka oo nin Soomaali ku oogtey dacwad argagixsnimo

Published: February 18, 2024

Nin asalkiisu Soomaali yahay balse haysta dhalashada Mareykan ah ayaa maalintii Jimacada ka soo muuqdey Maxkamad heer federaal ah oo ku taala magaalada New York ee dalka Maraykanka, ninkan ayaa wajahaya eedaymo argagixsnimo ka dib markii lagu eedeeyay in uu “taageero agabka ah” u fidiyay kooxda argagixisada ah ee Daacish.

Xaraafe Xuseen Cabdi, oo 41 jir ah, kuna nool magaalada Minneapolis ayaa dhawaan laga soo qabtay magaalada Hargeysa ee dalka Soomaaliya, waxaana todobaadkan loo qaaday dalka Mareykanka, sida uu sheegay xafiiska xeer ilaaliyaha Mareykanka ee New York.

Xaraafe Xuseen Cabdi waxa uu ka soo guuray Minnesota 2015-kii una soo wareegay Soomaaliya waxa uu ku biiray koox ka tirsan dagaalyahanada Daacish oo ku sugnaa Soomaaliya.

Shalay oo jimce ahyad ayuu markii ugu horeysay ka soo muuqday maxkamada heer federal ee Manhattan.

Xeer Ilaaliyaha Mareykanka ee New York, Damian Williams ayaa yiri: “Sida lagu eedeeyay, Harafa Hussein Abdi, oo ah muwaadin u dhashay dalkan wuxuu ka safray Minnesota si uu ugu biiro kooxda Daacish ee Soomaaliya, isagoo tababar ku qaadanayay xero ay ku leeyihiin Soomaaliya dagaalyahannada Daacish ee Soomaaliya, Cabdi ayaa la sheegay inuu watay qori AK-47 ah, isagoo ku hanjabay inuu weerari doono dadka rayidka ah ee ku nool magaalada New York”.

Muqaal cajalad ah oo la duubay sanadkii 2017-kii ayaa lagu arkayay Harafa Hussein Abdi oo ka hadlayay xilligii uu ku sugana Soomaaliya, iyadoo rasaas toos ah iyo qarax laga maqlayo gadaashiisa.

Xarafa Xuseen Abdi ayaa ka baxay kooxda Daacish sanadkii 2017-kii ka dib markii ay isku dhaceen hoggaanka kooxda Daacish, kuwaas ay dhigeen xabsiga.

Ugu dambayntiina wuu ka baxsadey xabsiga waxaana uu tegey magaalada Hargeysa, halkaas ayaana lagu xiray, sida ay sheegeyso warbixin ay qortey AP.

Cabdi waxa uu ku dhashay Soomaaliya sanadkii 1982-dii, waxa uu galay Maraykanka 1999-kii, waxaanu qaatay dhalasho Maraykan ah 2006, sida ay masuuliyiinta Mareykanku ay shaaciyeen.

Xaakimaka maxkamada heer federal ee Manhattan ayaa amray in xabsiga lagu sii hayo ilaa maxkamada ay go’aan gaarto kiiskiisa .

Horseed Media