Maxkamada Adduunka oo ku amartay Israel inay joojiso Xasuuqa – Go’aanka horudhaca

Published: January 26, 2024

Maxkamada Adduunka ICJ oo maanta oo Jimce ah soo saartay go’aanka horudhaca ah ee dacwada Koonfur Afrika ka gudbisay Israel xasuuqa ay ka wado Gaza, ayaa soo saartay amaro ku socda Israel.

Maxkamada ayaa marka hore diiday codsiga Israel ee ahaa in dacwadan la laalo, iyadoo Maxkamada ICJ sheegtay inay awood u leedahay inay go’aan ka gaarto dacwada ku aadan xasuuqa lagu eedeeyey Israel.

Maxkamada ayaa sidoo kale sheegtay inay muuqato calaamado iyo cadeynmo taageeraya eedaynta Koonfur Afrika soo jeedisay ee ah; in Israel xasuuq kuwado shacabka Falastiin, sidaa daraadeed ay soo saareyso amaro horudhac ah.

Israel ayaa lagu amray inay joojiso xasuuqa shacabka Falastiin iyo barakacinta shacabka Gaza.

Maxkamada ayaa u qabatay muddo 1 bil ah in Israel kusoo gudbiso warbixin tilaabooyinka ay qaaday inay ku dhaqan geliso amarka maanta lasiiyey ee ah in la joojiyo Xasuuqa.

Xamaas ayey Maxkamada sidoo kale sheegtay inay sii deyso dadka maxaabiista ah oo ay kasoo qafaasheen Israel 7dii Oktoober.

Maxkamada weli ma gaarin go’aan kama danbeys ah in Israel ay jabisay Sharuucda Caalamiga ah ee ka yaal Xasuuqa, balse amarada maanta ayey maxkamada uga hortageysaa in inta ay dacwada socoto aysan dhicin xasuuq dheeraad ah ee shacabka Falastiin, xili Israel ay weli duulaan kuwado Gaza.

Garsoorayaasha Maxkamada oo ka kooban 17, oo ay 15 yihiin Garsoorayaasha Joogtada ah ayaa waxaa go’aankan u codeeyey inta badan Garsoorayaasha marka laga reebo Garsooraha KMG ah Mr.Aharon Barak oo kasoo jeeda (Israel) iyo Julia SEBUTINDE oo kasoo jeeda (Ugandha).

Dhinaca kale Maxkamada ayaan ku dhawaaqin Xabad Joojin Rasmi ah taasi oo ay codsaneysay Koonfur Afrika, walow Israel looga guuleystay qodobadii kale.

Horseed Media