Maxkamada Ciidamada Oo Xabsi Daa’in Ku Xukuntay Rag Tirsan Alshabaab

Published: May 25, 2021

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukun ku riday Cabdullaahi Cabdiraxmaan Axmed Ismaaciil oo caan kaga ahaa Alshabaab Maxamed Carab iyo Maxamed Xuseen Xasan Abuukar, kuwaasi loo haysto kamid ahaanshiyaha Alshabaab gaar ahaa in ay ka kala tirsanaayeen qaybaha Caafimaad iyo Jabhadaha gobalka Mudug.

March Sanadkan ayay Labada Eedeysane ka soo qabteen ciidamada xoogga dalka deegaanka Bacaadweyn ee Gobolka Mudug, Eedeysanayaasha oo lagu soo wareejiyay hey’adaha Dambi Baarista ayaa Gungaar kadib ku soo wareejiyay xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida billowgii April.

Maxamed Xasan Abuukar iyo Cabdullaahi Cabdiraxmaan Axmed Ismaaciil ayaa kusoo dhaawacay Dagaalkii ugu dambeeyay ee Bacaadweyn ee Gobolka Mudug ee u dhexeeyay Ciidanka dowladda iyo Al-shabaab, waxa ayna Ciidamada Xoogga Dalka ku soo wareejiyeen hey’adaha Baarista.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo fadhiya kala duwan ka yeeshay kiiskan ayaa ugu dambeyn kuwada xukumay 1- Cabdullaahi Cabdiraxmaan Axmed Ismaaciil & 2- Maxamed Xuseen Xasan Abuukar Xabsi Daa’in sida uu u sheegay dhinacyada Dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *