Maxkamada Gobolka Banaadir Oo Xukuno Ku Riday Masuuliyiin Dowladeed

Published: August 27, 2020

Maxkamada darajada koowaad ee gobolka Banaadir ayaa maanta xukuno ku riday masuuliyiin ka tirsan dowlada federaalka Soomaaliya oo loo haystay inay lunsadeen hanti dadweyne.

Maxkamada ayaa toban sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo dhan $2,366, ku riday Agaasimihii maamulka iyo maaliyadda wasaaradda kalluumaysiga iyo kheyraadka badda ee dowladda Soomaaliya, Guuleed Maxamed Ibraahim, kadib markii lagu helay xatooyada $202,000 oo hanti dadweyne ah.

Cali Shiikh-doon, oo ah xisaabiyaha guud ee dowladda federalka ahna mulkiilaha shirkadda Maamuus ayaa lagu xukumay 9 sano oo xabsi ah kadib markii lagu helay falka xatooyo hanti dadweyne.

Aweys Xassan Cumar oo ka tirsan waaxda xisaabaadka ee wasaarada warfaafinta Soomaaliya ayaa isna lagu helay wax isdaba marin waxaana lagu Xukumay hal sano oo xarig ah, halka Khadar Aweys Xassan oo ah wiilkiisa isagana Maxkamadu ku xukuntay 3 sano oo Xabsi ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *