Maxkamadda Ciidamada oo dil-toogasho ku xukuntay Askari dilay qof Shacab ah

Published: July 20, 2022
askeri dil toogasho
Guduudow waxaa lagu xukumey in toogasho lagu dilo

Maxkamadda Ciidamada ayaa ku xukuntay dil-toogasha Maxamed Aadan Maxamed “Gaduudow” oo lagu helay dilka AUN Marxuum Saciid Xasan Shiiqow oo ahaa 40-jir.

Maxamed ayaa Marxuum Saciid ku dilay Xerada agoonta Boliiska xilli Galab ah Ramadankii tegay isagoo soo doontay Kaalmo loo qaybinayay Bulsho tabaalaysan.

25-kii May ee sanadkan ayay Ciidamada Amniga ku wareejiyeen Eedeysanaha Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, isla xilligaasi ayuu Garsoorka Ciidamada Ogolaaday in Xabsiga dhexe loo gudbiyo Garsuge ahaan.

Ugu dambeyn, Fadhiyo kala duwan kadib Maxkamadda Ciidamada ayaa ku xukuntay Maxamed Aadan Maxamed Cali “Gaduudow” Dil-toogasha ah oo ah Qisaasta Marxuum Saciid Xasan Shiiqow, Sida uu dhinacyada Dacwadda u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muunin oo ka tirsan Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *