Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo dil toogasho ah ku fulisay rag katirsanaa Daacish

Published: October 26, 2022
Shares16

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saaka dil toogasho ah ku fulisay Aadan Maxamed Cali Maxamuud iyo Maxamed Cali Maxamed Faarax oo horey loogu riday.

Labadan nin ee dilka lagu fuliyey ayey Maxkamaddu sheegtay inay ka tirsanaayeen Ururka Daacish, Muqdisho iyo Boosaasana ay dilal ka gaysteen.

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa toddobaadkan gudihii xukun dil toogasho ah ku fulisay 5 qof oo isugu jira Ciidan, Al-shabaab iyo Daacish.

Sidoo kale waxaa la filayaa in maalmaha soo socda ay sidaan oo kale xukuno dila ah lagu fuliyo rag kale.

Horseed Media