Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo toogasho ku fulisay laba nin oo katirsanaa Al-shabaab

Published: November 3, 2022
Shares4

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saaka dil toogasho ku fulisay Cabdulle Axmed Muudey oo 24 jir ah iyo Cumar Aadan Maxamed oo 29 jir ah, kuwaas oo horey loogu helay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, ayna dileen labo ka tirsan ciidamada amniga ayaa saaka

Cabdulle Axmed ayaa lagu helay inuu dilay Cali Cabdulle Maxamed oo ka tirsanaa ciidamada amniga bishii November 2019, halka Cumar Aadan Maxamed ayaa isna lagu helay inuu dilay Cabdullaahi Maxamed Hilowle bishii Oktoobar 2019.

Maxkamadda ayaa xukunkaas ku ridday labadooda bishii Diisambar 2020.

Dilka labadan ayaa ka dhigaysa maleeshiyada la toogtay maalmihii kasoo dhaafay 10, kuwaasi oo lagu helay dilka askar iyo shacab.

Horseed Media