Maxkamadda sare ee USA oo oggolaatay in la baaro khaladaadka maaliyadeed ee lagu eedeeyay Trump

Published: November 23, 2022

Donald Trump ayaa ku guuldareystay dalabkii uu ku doonayay in guddi ka tirsan Aqalka Wakiillada ay helaan cashuurtii uu qaadanayey muddadii uu Madaxweynaha ahaa.

Ka dib dagaal dheer oo dhinaca sharciga ah, Maxkamadda Sare ee Maraykanku waxay Talaadadii ansixisay in waraaqihii dhaqaalaha ee madaxweynihii hore lagu wareejiyo Guddi hoosaad ka tirsan Aqalka Wakiillada.

Trump ayaa dhamaadkii bishi October weydiistay Maxkamadda Sare in ay diiddo, amar kasoo baxay maxkmad ku taalla New York oo fasaxday baaritaanka canshuur celinta Trump.

Go’aanka Maxkamadda Sare ee shalay ayaa madaxweynihi hore ee Mareykanka Trump ku noqonaya, guul-darradii saddexaad ee kasoo wajahda Maxkamadda Sare sanadkaan oo kaliyah.

Horseed Media