© 2023 Horseed Media Group

golis telecom

Maxkamadda Caalamiga ee ICJ oo go’aamisey in ay qaadi karto dacwadda badda ee Somaliya iyo Kenya

Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda oo go’aanka gaareysa muranka Soohdinta badda Soomaaliya iyo Kenya

Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ayaa go’aan ka soo saartay dacwadii badda ee u dhaxaysay dowladaha Kiiniya iyo Soomaaliya, waxayna aqbashay dalabkii Soomaaliya inay qaado dacwadaasi.

Maxkamada oo galabta saacaddu markey ahayd 15:00 xiliga Soomaaliya u fariisatey ku dhawaaqidda go’aanka ayaa diidaydalabkii Kenya ee ahaa in aysan Maxkamaddu gelin dacwadda ee labada dal mar kale wada hadlaan.

Qareemadda u doodaya Soomaaliya ayaa sheegay inheshiiskii is-faham MOU uu ahaa sharci, balse dowladda Kiiniya ay si khaldan u adeegsatay, kaas oo dbigaayey in labada dal mid walba si iskiis ah u gudbiyo dalabka ka badan 200nm, laakiin Soomaaliya ay ogaatey in Kiinya ay wax ka beddeshey qaabka xariiqda soohdintu u taaley.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxaa ay ka codsatay maxkamadda in ay calaamadeyso soohdinta badda, go`aanna ay ka gaarto xuduudda.

Go’aankan ka soo baxay ayaa wuxuu guul u yahay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Horseed Media