Meydadka askartii Imaaraatiga ahaa oo dalkooda la geeyey

Published: February 11, 2024

Meydadka saddex ka mid ah ciidamada Imaaraatka Carabta ayaa maanta oo Axad ah dib loogu celiyay Abu Dhabi, kadib weerarkii shalay ee ka dhacay xerada Gordan ee Muqdisho.

Sarkaal afraad oo ka tirsanaa shaqaalaha Imaaraatka oo kamid ahaa laba qof oo ku dhaawacmay weerarka ayaa u dhintay dhaawac soo gaaray markii la geeyey Imaaraadka, sida ay Wasaarada Gaashaandhiga ku sheegtay warsaxaafadeedkeeda.

War goor sii horeysay kasoo baxay wasaarada ayaa lagu sheegay in weerarkaasi lagu dilay 3 kamid ah ciidamada qalabka sida ee Imaaraatka iyo mid kamid ah ciidamada difaaca Bahrain.

Garoonka diyaaradaha ee Al Bateen, ayaa laga dajiyey meydadka saraakiishan, iyadoo ay ka soo qeyb galeen mas’uuliyiin sarsare.

Ciidamada dhintay ayay wasaaradda gaashaandhigga ku sheegtay magacyadooda Col.Mohamed al-Mansouri, Sarkaal Mohamed al-Shamsi iyo Khalifa al-Balushi, iyoSuleiman al-Shehhi.

Dhanka kale Baxreyn ayaa ka tacsiyeysay geerida Major Abdullah Rashid al-Noaimi, kaas oo lagu dilay weerarka, sida ay sheegtay wakaalada wararka Bahrain.

Wasaaradda Difaaca Imaaraadka ayaa war-saxaafadeedkeeda ku sheegtay in shaqaalahan lala beegsaday “Weerar Argagixiso xilli ay gudanayeen waajibaadkooda shaqo ee tababarida iyo tayeynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, taasoo kamid ah heshiiska laba geesoodka ah ee Imaaraadka iyo Federaalka Soomaaliya”.

Kooxda Al-Shabaab oo ka tirsan Al-Qaacida ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

Horseed Media