Meydka Cali Mahdi oo Muqdisho la keenay

Published: March 12, 2021

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Magaalada Muqdisho waxaa laga soo dejiyay meydka Rabbi u naxariistee Madaxweynihii kumeelgaarka ahaa ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed, kadib markii uu ku geerooydey magaalada Nayroobi.

Garoonka Diyaaradaha ayaa waxaa ku sugnaa Madaxda dowlada federalka, madaxweynayaashii hore iyo boqolaal qof oo shacab ah. Salaadda janaasada ayaa kulmisey qaar kamid ah siyaasiyiinta SOomaaliya oo aan muddo is arag ama salaantaba iska qaadin.

Salaad jannaaso ayaa lagula dukaday garoonka diyaaradaha, waxaana salaada janaaso kaddib loo qaaday masaajid uu ka dhisay Xaafada Towfiiq ee degmada Yaaqshiid.

Allaha u naxariistee madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed ayaa ugu geeriyooday cudurka Covid 19 magaalada Nairobi sida ay xaqiijiyeen qoyskiisa.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *