Midowga Afrika oo kasoo horjeestay qorshaha Nabadda Bariga Dhexe ee Trump.

Published: February 10, 2020

Gudoomiyaha Ururka Midowga Afrika, Muuse Faki Maxamed oo maanta khudbad uu ka jeediyay Shirweynaha 33-aad ee midawga Afrika ay isugu yimaadeen ayaa sheegay in Midowga Afrika uu taageerayo qadiyada dadka Falastiin kana soo horjeedo qorshaha Trump ee siyaasadiisa Bariga Dhexe.

“Qorshahan waa mid aysan ka wada tashan beesha caalamka waxana uu ku xadgudbayaa xuquuqda aasaasiga ee reer Falastiin.”ayuu yiri Faki Axmed Gudoomiyaha Ururka Midawga Afrika

Sayral Ramafoosa Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika oo la wareegaya xilka Guddoomiyaha sannadkan ee AU-da ayaa la meel dhigay qorshaha Madaxweyne Trump soo bandhigay uu la mid yahay Nidaamkii Midab-takoorka ee ka jiray dalkkiisa.

Abdi-fatah Siisi Madaxweynaha Dalka Masar ayaa dhankiisa xusay in arinka dadka reer falastiin ay tahay mid ku xardhan quluubta dadka Afrikaanka ah sidoo akle waxa uu xusay in aan marnaba la qaadan arin qorshaha uu Trump soo bandhigay ayna tahay mid meel looga dhacayo jiritaanka dadka reer Falastiin.

Horseed Media, 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *