Midowga Musharaxiinta oo ka hadlay dib u doorashada Gudoomiye Cabdi Xaashi

Published: April 26, 2022

Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay doorashada guddoonka Aqalka Sare, ayaa waxa ay hambalyo u direen Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo markale loo doortay guddoomiyaha Golaha ee 4 sano ee soo socota.

“Midowga Murashaxiinta wuxuu hambalyo u dirayaa Senator Cabdi Xaashi Cabddullaahi oo ku guulaystay guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka 2022-2026,” ayaa lagu yiri warasaxaafadeedka kasoo baxay Golaha Midowga Musharixiinta.

Musharaxiinta Mucaaradka ayaa sidoo kale sheegay in Cabdi Xaashi uu udub dhexaad u ahaa halgankii looga horyimid muddo kororsigii labada sano ahaa ee Madaxweyne Farmaajo.

“Senator Cabdi Xaashi wuxuu uddub dhexaadka u ahaa halgankii looga horyimid muddo kororsigii sharci darida ahaa iyo jahwareer kii siyaasadeed ee uu dalka u horseeday Madaxweyne Maxamad C/laahi Farmaajo,” ayaa lagu yiri.

Golaha ayaa u rajeeyey Cabdi Xaashi in howsha loo igmaday uu u guto si waafaqsan Dastuurka dalka iyo danta qaranka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *