Midowga Musharaxiinta Oo Ka Hadlay Shirka Xalane

Published: March 10, 2021

Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa war kasoo saaray xaaladda amni ee dalka, cudurka halista ah ee COVID-19 ee kusii faafaya gudaha dalka iyo Shirka madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleeda goboleedyada.

War-saxaafadeed kasoo baxay Musharaxiinta ayaa waxaa lagu Cambaareeyay weeraradii lagu qaaday Maqaayada Luul Yemeni iyo midkii shalay ee Xerada Xalane, iyagoona sheegay inay ka xun yihiin falalkaas ka dhacay magaalada Muqdisho.

Dowlada federaalka Soomaaliya ayey ku eedeeyeen inay ka gaabisay doorkeedii sugida amniga, baaritaan iyo falcelinta talaabooyinka ay qaadayaan kooxaha argagaxisada, wax laga xumaadana ay tahay in muqdisho loogu shiri waayo amni darro.

Hoos ka akhriso:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *