Midowga Musharaxiinta Oo Sheegay Inaysan Aqoonsanayn Farmaajo

Published: February 8, 2021

War qoraal oo caawa saqdii dhexe kasoo baxay midowga musharaxiinta madaxtinimada Soomaaliya ayaa looga hadlay muddo xileedka madaxweyne Farmaajo oo ku eg 8-da Febraayo 2021.

Midowga musharaxiinta ayaa sheegay wixii ka dambeeya 8-da Febraayo inaysan Farmaajo u aqoonsanayn madaxweynaha Soomaaliya, iyagoo ku baaqay in la dhiso Gole Qaran oo ay xubno ka yihiin Guddoomiyeyaasha labada aqal, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada, wakiilo ka socda Musharaxiinta iyo Bulshada rayidka.

Waxay ka digeen muddo kororsi, caburin, gacan ka hadal iyo dib u dhac dambe oo ku yimaada doorashada dalka 2021.

Hoos ka akhriso:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. 2 badiina madaxweynayaasha kasoo noqday Somaliya markii Hassan uu wakhtigu ka dhamaaday 6 bilood buu ku darsaday. Sh. Shariif 1 sano ayuu ku darsaday. Maxaa u diidaya in Farmaajo 2 sano ku darsado? Been yaynaan isu sheegin. Inta CID laga dooranayo Farmaajo ayaa maamuli. Wadanka dhibka ka daaya Dad iyo wadan toona dankama lihidin hunguri baa idin wada. Shame on you guys.