Midowga Yurub oo cunaqabatayn saaray Shirkadaha diyaaradaha iyo Warbaahinta Ruushka

Published: February 28, 2022

Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay cunaqabatayn cusub oo lagu beegsanayo shirkadaha diyaaradaha iyo warbaahinta dawladda Ruushka.

Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay in uu cunaqabatayn hor leh ku soo rogayo Ruushka, kadib duulaankii uu ku qaaday dalka Ukrain, iyadoo hawada laga xiray diyaaradaha Ruushka, sidoo kalena laga mamnuucay warbaahinta dowladda Ruushka inay ka howlgalaan Midowga Yurub.

Warbaahinta la mamnuucay ayaa waxaa kamid ah Telefishinka RT iyo Wakaalada Wararka ee Sputnik.

Madaxa Midowga Yurub Ursula von der Leyen, oo ku dhawaaqday tallaabooyinka Axaddii, ayaa sheegtay in Midowga Yurub uu sidoo kale qaadayo tallaabo aan horay loo arag oo ah maalgelinta hubka loo gadayo Ukraine.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *