Midowga Yurub Oo Ka Digay Saamaynta Ruushka Ee Galbeedka Afrika

Published: January 31, 2024

Midowga Yurub ayaa wajahaya xaalad cakiran oo ku saabsan sii joogitaankooda Mali iyo guud ahaan gobolka Galbeedka Afrika ee Sahel, maadaama aysan dooneyn inay la shaqeeyaan ciidamada Ruushka dhulkaasi kusii fidaya.

Go’aanka ay hogaamiyaan ciidamada militariga ee Mali, Burkina Faso iyo Niger ee ay kaga baxayaan ururka ECOWAS ee galbeedka Afrika ayaa sii adkeeyay joogitaanka Midowga Yurub ee gobolka, sida uu sheegay madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee ururkaasi Josep Borrell ka hor shir ay wasiirada gaashaandhigga ku yeesheen Brussels.

“Aad bay muhiim u tahay in saddexdan dawladood, oo dhammaantood ka taliyaan militariga, ay go’aansadeen inay ka baxaan ururka gobolka … isla markaana aan arkeyno saameynta Ruushka ee sii kordhaysa,” ayuu yiri Borrell.

Waxa uu intaa ku daray in joogitaanka Ruushka uu markii horeba ku xooganaa dalka Mali, lagana yaabo inuu dhawaan kusii fidaan Niger iyo Burkina Faso. Midowga Yurub wuxuu haystaa ilaa May 24 si uu go’aan uga gaaro inuu sii joogo Mali iyo in kale, ayuu yiri Borrell. “Weli waxaan Maali ku leenahay dhowr hawlgal oo aan sii wadno, laakiin…ma doonayno inaan la shaqayno Afrika Corps,” ayuu raaciyay.

Africa Corps waa magaca hawlgalka militariga Ruushka ee kooxda Wagner, ciidamada calooshood u shaqeystayaasha ah ee hawlgalada ka bilaabay Mali 2021. Usbuucii hore cutub ka tirsan ciidamadaasi ayaa la geeyey dalka Burkina Faso.

Dawladihii dimuqraadiga ahaa ee Mali, Burkina Faso iyo Niger ayaa dhamaantood lagu tuuray afgambi militari tan iyo 2020. Dhammaantood waxa ay wajahayaan kacdoon Islaami ah oo ay ku dhinteen kumanaan qof, malaayiinna ku barakiciyeen.

Dawladaha ay hogaaminayaan ciidamada milatariga ayaa iska fogeeyay gumaystihii hore ee Faransiiska, iyagoo wadamadooda ka saaray ciidamadiisa, waxayna u weecdeen dhanka Ruushka.

Midowga Yurub ayaa horay u joojiyay qayb ka mid ah tababarkii uu siin jiray ciidamada Mali sanadkii 2022, iyaga oo sabab uga dhigay khatarta faragelinta Ruushka. Waxaase weli socda hawlgalka tababarka ee loo yaqaan EUTM Mali iyo hawlgalka maaraynta dhibaatooyinka rayidka, EUCAP Sahel Mali.

Bishii Disembar, golaha talada haya ee Niger ayaa joojiyey iskaashigii milatari ee dalkaas uu la lahaa Midowga Yurub, oo loo yaqaan EUCAP Sahel Niger.

Horseed Media