Midowga Yurub Oo Mar Kale Cadeeyey Mowqifkooda Heshiiska Itoobiya

Published: January 5, 2024

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay  khadka taleefanka kula hadlay Madaxweyne Kuxigeenka Midoowga Yurub ahna Madaxa Arrimaha Siyaasadda iyo Amniga, Mudane Josep Borrell.

Kulankaasi dhinaca khadka taleefanka ah waxaa labada dhinac ay diiradda ku saareen damaca Itoobiya ee badda Soomaaliya, ilaalinta madaxbannaanida dalka iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in dal kasta uu u dhowro xeerarka caalamiga ah ee qeexaya xuduudaha dhulalka mberrigga iyo badaha.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey madaxda midowga Yurub  mowqifka adag ee ay ku garab istaageen midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay in Ururrada heer gobol iyo heer qaaradeed ay ku dadaalaan xasilloonida iyo degenaanshaha Geeska Afrika oo udub-dhexaad u ah nabadda Caalamka.

Horseed Media