Modi oo booqday Imaaraat-ka oo laga furay macbadka ugu weyn ee Hinduuga

Published: February 14, 2024

Raysalwasaaraha India Narendra Modi oo booqasho ku tagay dalka Imaaraatiga oo laga furay macbadka ugu weyn ee Hinduuga dalalka Barriga Dhexe, ayaa sheegay in xiriirka India iyo Imaaraatiga uu gaaray heerkii ugu sareeyey.

Macbadkan Hinduuga ee laga dhisay magaalada Abu Dhabi ayaa lagu magacaabaa BAPS Hindu Mandir, waxaana furitaankiisii Salaasadii shalay ka qeyb galay Hogaamiyaha Imaaraatiga Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan iyo Raysalwasaaraha India.

Dowladaha Imaaraatiga iyo Hindiya ayaa sidoo kale kala saxiixday heshiisyo cusub oo dhanka ganacsiga iyo isu socodka gaadiidka ah.

Dhismaha Macbadkan Imaaraatiga laga dhisay ayaa kusoo beegamaya todobaadyo kadib markii uu Raysalwasaaraha India Modi uu furay Macbadka Hinduuga ee ugu weyn dalka Hindiya oo laga dul-dhisay goobtii uu ku ooli jiray Masaajidkii Qarnigii 16aad, masjidkaasi weyn oo ku yaalay magaalada Ayodhya ayey burburiyeen xagjirka Hinduuga sanadkii 1992.

Horseed Media