Mudaaharaad Xoogan Oo Ka Dhacay Magaalada Qardho

Published: December 2, 2020

Mudaaharaad xoogan oo ay soo abaabuleen dad ka caraysan go’aan uu shalay soo saaray madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta ka dhacay magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.

Mudaharaadayaasha oo isugu jirey rag iyo dumar ayaa cabanayey miicashada qaaliga noqotay markuu doollarkii kacay iyo dowlada oo diiday inay canshuurta lacagta Soomaaliga ah ku qaado.

Madaxweyne Deni ayaa amar uu soo saaray wuxu ku joojiyey lacagtii shillin Soomaaliga ee canshuurta looga qaadi jirey kastamka dekeda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Inta badan magaalooyinka Puntland ayaa maanta laga diiday in wax lagu iibsado lacagta shillin Soomaaliga kadib amarkii shalay ee madaxweynaha Puntland, waxaana sidoo kale banaanbaxyo ka socdaan magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *