Muqdisho: 36 Qof oo Laga Helay Coronanvirus 24kii Saac ee u dambaysay

Published: April 17, 2020

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada iyadoo gudanaysa waajibka ka saaran inay la wadaagto bulshada Soomaaliyeed hadba waxii kasoo kordha xaaladda Caabuqa COVID-19, waxay bulshada la wadaagaysaa qodobadan:

24kii saac ee u dambaysay waxaa la baaray 47 qof. Waxaa laga helay curudka COVID-19 36 qof, taasoo ka dhigaysa tirada guud ee la xaqiiyey 116 qof.

Bukaanada cudurka maanta laga helay, 27 kamid ah waa Lab, 9 ka kalena waa Dhadig. 30 kamid ah waxay da’doodu u dhaxaysaa 20 ilaa 39 sano (83%). 5 kamid ahna waxay da’doodu u dhaxysaa 40 ilaa 59 sano (14%). 1 qofna wuxuu ka weynyahay 60 sano.

Waxaa maanta cudurka COVID-19 u geeriyooday 1 qof oo da’diisu tahay 60 sano kuna geeriyooday Muqdisho. Tirada guud ee shimashada ayaa ah 6.

https://www.facebook.com/plugins/post.php?href=https%3A%2F%2Fwww.facebook.com%2FWasaaraddaCaafimaadkaSoomaaliya%2Fposts%2F2711508985638936&width=500

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *