Muqdisho: Afar wiil oo walaalo ah oo ku geeriyooday dhismo ku soo dumey

Published: May 6, 2023

Afar wiil oo wada dhashay ayaa ku geeriyooday dhismo weyn oo ay hoos jiifeen oo ku soo dumey oo ku yaalla Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir.

Dhismaha dumay oo kamid ah Guryaha Qadiimiga ah ayaa ah dabaqa caanka ah ee ku sawiran lacagta kun-Ka Shilling Soomaaliga.

Caruurta wada dhalatay ee ku geeriyootay dhacdadan ayaa muddo ku hoos jirey dhismaha dumay illaa markii dambe dadka xaafada ay u soo gurmadeen balse markii laga soo saaray midna kama nooleyn.

Degmooyinka Gobolka Banaadir waxaa qaarkood ku yaalla Guryo muddo fog dhisan oo aanay intooda badan heli dib u dhis, Roobabka xooggan ee da’ay ayaa cabsi ku beeray qoysaska degen dhismahaas oo ka cabsaday in ay ku dumaan.

Horseed Media