Muqdisho: Al-Shabaab oo weerar ku qaadey Hotel Dayax magalada Muqdisho -SAWIRO / VIDEO

Published: January 25, 2017

Qarax weyn oo loo adeegsadey gaari la aaminsan yahay in uu ahaa nooca xamuulka ayaa ka dhacay banaanka hore ee Hotel Dayax oo ku yaala waddada Maka al-Mukaramah magaalada Muqdisho. Hotel Dayax ayaa la shegayaa in uu ka mid ahaa Hoteelada ay degan yihiin siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada cusub.

Qaraxa kadib ayaa la maqley rasaas aad u culus oo la is dhaafsanaayo. Warar hordhac ah ayaa sheegaya in ugu yaraan saddex ka tirsan Malayshiyada ismiidaamiyaalka ah ee weerartey Hotelka ay gudaha u galeen.

Qarax labaad ayaa wax yar kadib isla goobta ka dhacay, kaas oo ka dhashey gaari kale oo goobta lagu diyaariyey oo bom lagu soo xirey, waxaana waxyeelo badan gaartey weriyaal gaaraya 3 oo kamid ahaa dadkii goobta qaraxu ka dhacay ku cararay, waxaana kamid ahaa sawir qaadaha wakaaladda wararka ee AP.

Qaar kamid ah goobaha caafimaadka ayaa la gaarsiiyey dad ka badan 30 qof oo qaba dhaawacyo kala culus, sidoo kale waxaa Isbitaalka la geeyey saddex qof oo meyd ah.

Al-Shabaab ayaa sheegtey masuuliyadda weerarka Hotel Dayax. Weerarada al-Shabaab ayaa si xwli ah u laba kacleeyey maalmihii u danbeeyey.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *