Muqdisho: Ciidamada Booliska oo howlgal ka sameeyay Xaafado katirsan degmada Hiliwaa

Published: October 28, 2022

Ciidamo katirsan Booliska Soomaaliya ayaa xalay howlgallo dad badan lagu soo qabqabtay ka sameeyay Xaafado katirsan degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir.

Inta uu howlgalka socday ayey Ciidamadu baarayeen Guryaha iyo Gaadiidka, waxaana Goob fagaaro ah ay Ciidamada isugu keeneen ku dhawaad 100 Dhalinyaro ah.

Saraakiishii hoggaaminayey howlgalka waxa ay sheegeen inuu ahaa mid amniga lagu xaqiijinayay, isla markaana lagu soo qabtat dad lagu tuhmayo inay katirsan yihiin Al-Shabaab iyo Daacish, balse baaritaano ay ku socdaan.

Sidoo kale waxa ay Shacabka ugu baaqeen inay Ciidamada kala Shaqeeyaan sugida Amniga Magaalada Muqdisho.

Horseed Media