Muqdisho: Dad ku dhintay dhisme darbi ah oo kusoo kusoo dumay

Published: May 9, 2021

Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay dhisme kusoo dumay xaafad ay dagan yihiin dad barakacayaal ah oo ku taala deegaanka Garasbaaley ee duleedka magaalada Muqdisho.

Dhismaha dumay ayaa lagu soo waramaya in uu ahaa darbi ay ku hoos noolaayeen dad barakacayaal ah oo u badan hooyooyin iyo caruur waxaana wararka la helayo ay sheegayaan in 6 ruux ay ku geeriyoodeen mashaqadan.

Wararku waxa ay sheegayaan in dad gaaraya 4 ruux ay dhaawacyo kasoo gaareen dhismaha darbiga ee kusoo dumay kuwaasoo dhaawacyadooda la gaarsiiyay cisbitaalada Muqdisho.

Xiliyada ay da’aan Roobabka gu’ga waxaa saameyn xooggan ku yeesha dhismayaasha qadiimiga ah ee ku yaala magaalada Muqdisho kuwaasoo mararka qaar soo duma khasaarana gaarsiiyay dadka rayidka.

Dhawaan ayay ahayd markii Roobab mahiigaan ah oo ka da’ay magaalada Muqdisho ay ka dhasheen daadad xooggan oo gudaha u galay guryo ay daganayeenn dad danyar ah oo ku yaala degmada Wadajir ayna galaafteen nolosha 11 ruux oo caruur u badnaa .

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *