Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal ay ciidamada dowladdu ka sameeyeen deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeella…
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal ay ciidamada dowladdu ka sameeyeen deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeella Hoose ay ku dileen sarkaal sare oo ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab, kaas oo magaciisa lagu soo gaabiyay Carab oo ahaa ku xigeenka Al-shabaab ee maleeshiyada deegaankaas.
Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay wasaaradda warfaafinta, howlgalkan ayaa sidoo kale lagu dhaawacay 10 kale oo uu ka mid ahaa nin lagu sheegay Cusmaan Daa’uud oo ahaa horjoogihii maleeshiyada Al-shabaab ee Mubaarak.
Warsaxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in howlgalkan lagu bartilmaameedsaday xarunta ugu weyn ee Al-shabaab ay ‘ku aruurin jirtay lacagaha ay xoogga uga qaadato shacabka gobolka Shabeellaha Hoose.’
“Dowladda Soomaaliya iyada oo kaashaneysa shacabka, waxaa ka go’an tirtirista argagixisada Al-shabaab” ayuu lagu yiri bayaankaa wasaaradda warfaafinta.
Horseed Media