FEIT oo isku raacday in la fasaxo kuraasta afarta ah ee la reebay

Published: April 4, 2022

Maalintii saddexaad ee shahaado bixinta ayaa noqotey maalinta ugu yarayd ee la soo doonto shahaadooyinka Xildhibaanimada, waxaana qaatey 18 Xildhibaan oo keliya.

Isku dar ilaa haatan waxaa shahaadooyinkooda qaatey 107 Xildhibaan oo Golaha Shacabka ah iyo 25 Xildhibaan oo Aqalka sare ah taas oo wadarta guud ka dhigeysa 132 Xildhibaan.

Aqlabiyadda golaha Shacabku ay ku dooran karaan shir guddoon ayaa ah 183 Xildhibaan, halka Aqalka sare Aqlabiyadda ay shir guddoon ku dooran karaan ay tahay 36 Xildhibaan. Tirada madaxweynaha ay ku dooran karaan isku dar labada Aqal ayaa ah 219 Xildhibaan sida uu qabo dastuurku.

Dhanka kale 13 ka tirsan 25 Xubnood ee FEIT ayaa isku raacey in la fasaxo afarta kursi ee la siyaasadeeyey, xafiiska rayslawasaaruhuna ku dhegan yahay kuwaas oo uu ku jiro kursiga la taliyaha Amniga Qaranka fahad yaasiin Daahir.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *