Muqdisho: Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir oo xilka la wareegay

Published: September 14, 2022

Guddoomiyaha Cusub ee Maamulka Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xilka kala wareegay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Ahaana Duqii Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish). 

Munaasabad xilka wareejinta oo ka dhacday xarunta Aqalka Dowlada Hoose ee Xamar, waxaa ka qeybgalay Ra’isul Wasaare Ku-xigeenka XFS, Wasiiro, Xildhibaano, Odoyaasha Dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada caasimadda.

Dhammaan ka qeyb galayaasha ee munaasabada ka hadlay ayaa u mahadceliyay Guddoomiyihii hore, iyagoo codsaday in lala shaqeeyo Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir. 

Ugu dambeyn Duqa Cusub ee Caasimada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa balan qaaday in uu ka shaqeyn doono sidii loo horumarin lahaa Caasimada, isla markaana Bulshada loo gaarsiin lahaa Adeegyada Aas-aasiga.

Horseed Media 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *