Muqdisho: Madaxweynaha Puntland Iyo Danjiraha Jabuuti Oo Ka Wada Hadlay Doorashada

Published: March 30, 2021

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa kulan la qaatay safiirka dalka Jabuuti ee Soomaaliya, danjire Aadan Xasan Aadan.

Madaxweynaha iyo danjire Aadan ayaa ka wada hadlay guud ahaan xaaladda dalku marayo gaar ahaan khilaaf iyo ismari-waaga ka taagan arrimaha doorashooyinka dalka.

Danjiraha Jabuuti ee Soomaaliya ayaa u sheegay madaxweyne Deni inay muhiim tahay in heshiis laga gaaro khilaafka ka jira qabsoomida doorashada dhaceysa, isla markaana wax kasta lagu dhameeyo wada-hadal.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *