Muqdisho oo aan laga diiwaan-gelin wax kiis ah oo la xiriira cudurka Covid-19.

Published: June 9, 2020

Sida ay shaacisay Wasaarada Caafimaadka Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya waxaan gebi ahaanba 24saac ee lasoo dhaafay laga diiwaangelin wax kiis ah oo la xiriira cudurka Covid-19 Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Wasiirada Caafimaadka Fowzia Abiikar ayaase xustay in guud ahaan dalka ay kusoo korartay 34 xaaladoo oo cusub kuwaas oo laga diiwaangeliyay gobolada kale, wasaaradu waxay sheegtay in 29 qof ay cudurkaan ka bogsadeen.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 2,368 waxaa bogsootay guud ahaan 470 ruux. Halka 84 ruux oo kale ay u geeriyoodeen cudurka. Dawlada Federaalka ayaa weli ku baaqaysa in loo hogaansamo awaamiirta ay bixinayaan.

Muqdisho oo ka mid ah magaalooyinka ugu dadka badan Soomaaliya, xanunkaan uu si wayn ugu fiday ayay tani uga dhintahay in hoos u dhac wayn uu ku yimi fiditaanka Cudurka Covid-19.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *