Muqdisho: Qabuuraha Macalin Nuur Oo Lasoo Saaray Meydadkii Lagu Aasay !

Published: July 2, 2023

Magaalada Muqdisho gaar ahaan deegaanka Tareedisho ayaa lagu soo waramayaa maanta inay ka dhacday arrin naxdin leh kadib markii lasoo saaray meydadkii ku aasnaa qabuuraha macalin Nuur ee duleedka caasimadda.

Ehelada meydadka lasoo saaray ayaa sheegay inay arrintan u samaynayaan maadaama dad aan la garaneynin xili habeen ah burburiyeen qabuuraha kuwaas boob ku haya dhulkaasi oo uu waqfay Shiikh Macalin Nuur 50 sanno kahor.

Qoyska reer Macalin Nuur oo horey uga hadlay dhacdadan ayaa sheegay inaysan wax lug ah ku lahayn, isla markaana sharciga la horgeyn doono dadkii ka dambeeyey falkan lagu burburiyey qabuuraha.

“Annaga reer Macalin Nuur hadda nahay dhulkaani kuma anan soo noqon, ma cabiran, iskaba daaye dhaxalkii Aabaheen nooga tagay ayaan sadaqeynay” ayuu yiri mid kamid ah Carruurta uu dhalay Sheekh Macalin Nuur.

Horseed Media