Muqdisho: Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo si rasmi ah uga furmay

Published: September 11, 2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho.

Shirkan oo muddo labo maalmood ah socon doona ayaa Madaxda Qaranka ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowlad-Goboleedyada dalka, waxa ay ku lafo-guri doonaan arrimaha hortebinta u leh shacabka iyo dowladda.

Shirka ayaa si gaar ah looga hadli doonaa sugidda amniga dalka, wax ka qabashada saameynta abaaraha dalka ka jira iyo la dagaallanka argagixisada.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka waxaa ka qeyb galayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, Madaxweynayaasha Dowlad-goboleedyada Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Hiirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo uga qeyb-galay aaladda Fogaan aragga.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *