Muqdisho: Wadooyinka oo la xiray iyo Ciidamo badan oo shacabka celinaya!

Published: March 12, 2021

Waxaa saaka xiran inta badan wadooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho, xili la isu diyaarinayo aaska maanta loo sameenayo Madaxweynihii hore Cali Mahdi Maxamed oo meydkiisa laga keenayo Nairobi, Kenya.

Ciidamada Dowlada Federaalka ayaa lagu arkayaa isgoysyada caasimada, iyagoo celinaya gaadiidka shacabka, taasi oo ku khasabtay in shacabka ay lugeeyaan.

Maaha markii ugu horeysay oo wadooyinka qaabkan loo xiro iyadoo aysan dowlada horey usii sheegin, waxaana sidan oo kale loo xiray wadooyinka Muqdisho xiliyadii ay xukuumada wakhtigeeda dhamaaday ka cabsi qabtay banaanbaxyo magaalada ka dhaca.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *