Muqdisho: Xabsi Daa’in Lagu Xukumay Xubno Alshabaab U Qaabilsanaa Qaraxyada

Published: July 23, 2020

Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ay xukuno xabsi daa’in ah ku ridday laba Nin oo ka tirsan Al-Shabaab,isla markaana lagu eedeeyay in ay qaraxyo ka fuliyeen Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyha Mxakamadda darajada 1aad ee Ciidamada  Qalabka sida  soomaaliya Xasan  Cali Nuur  Shuute  ayaa sheegay in Mustaf Maxamed Xuseen iyo Maxamed Axmed Muumin lagu helay eedeynta loo soo jeediyay sidaas darteedna  lagu Xakumay Xabsi daa”in

Xeer ilaalinta Maxkamedda Ciidamada ayaa shegtay in Mustaf loo hetsto 8-qarax oo lagu xiray gawaari, ,halka ninkaasi  horay  Maxkamada ay ugu riday  Xukun Shan Sano ah oo uu soo dhameeystay dibna ugu laabtay howlihii uu u haayay AL-shabaab.

Mid ka mid ah labadaasi nin oo lagu magacaabo Maxamed Axmed Muumin,ayaa la xukumay isagoo maqan,kaas oo lagu eedeeyay in uu ahaa hagaha iyo mareeynta Lacagaha ee uu wax ku Fulin Jiray Mustaf Maxamed Xuseen.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *