Muqdisho: Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta kulan yeelanaya

Published: December 3, 2022
Shares108

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo sabti ah kulankoodii caadiga ahaa ku yeelan doonaan Xarunta Baarlamaanka ee Villa Hargeysa.

Xoghayaha Golaha Shacabka ayaa xalay farriin wargelin ah u diray Mudanayaasha Golaha, isla markaana waxaa Xildhibaanada laga dalbaday inay ka qeyb galaan kulankaas oo saacadaha soo socda ka furmaya Xarunta Villa Hargeysa.

Ajendaha kulanka Xildhibaanada waxaa uu yahay qaybinta Akhrinta 1aad ee Hindisa Sharciyeedka Korantada iyo Warbixin laga dhageysan doono Xildhibaanada Baarlamaanka ka soo laabtay deegaan doorashooyinkooda.

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan ay yeesheen akhrinta koowaad ku mariyey qoondaha miisaaniyadda dowladda Federaalka ee 2023-ka.

Horseed Media