Muqdisho:Baarlamaanka Wakhtigu ka dhamaaday oo leh Kulan Xasaasi ah

Published: March 27, 2021

Xildhibaanada wakhtigu ka dhamaaday ee golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan xasaasi ah ku leh xaruntooda golaha shacabka ee Muqdisho.

Kulanka oo si toos ah xiligan u socda Xarunta Baarlamaanka ayaa xildhibaanada Qaar waxa ay sheegayaan in dowladda Wakhtigeedu dhamaaday ku doonayso muddo kororsi aan sharci ahayn maadama Ajandaha kulanka aan xili hore loo soo bandhigin Mudanayasha.

Ciidamo aad u hubeysan ayaa saaka xili hore lagu soo daadgureeyay gudaha xarunta Baarlamaanka taas oo ay qaar kamid ah xildhibaanadu ku tilmaameen afgambi iyo muddo kororsi wada socda oo halis ku ah sunnaha siyaasadda iyo dimuqraadiyadda dalka.

Ilaa iyo hada lama oga ajandaha dhabta ah ee kulankan xasaasiga ee ay leeyihiin xildhibaanadu wakhtigu ka dhamaaday ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

La socda Wixii warar ah ee kusoo kordha

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *